Waxaa si rasmi ah maxkamadda looga saaraya dacwad la xiriirtay dil oo lagu soo oogay wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Aisha Jumwa Katana.
Waxaa tallaabadan qaaday xafiiska waaxda dacwad oogidda wadanka oo codsi u gudbiyay maxkamadda sare laanteeda Mombasa.
Aisha Jumwa ayaa noqonaysa marqaati matalaysa dowladda si ay uga warbixiso wixii maalinkaasi dhacay.
Waxay ku marqaati furi doontaa ilaaliyaheedi hore ,Geoffrey Okuto.
Xafiiska dacwad oogidda ayaa arrintan ku dhaqaaqay ka dib codsi ay u gudbiyeen qareennada Aisha Jumwa ee kala ah Danstan Omari iyo Shadrach Wambui.