Dowladda oo walaac ka muujisay tirada sii kordhaysa ee shilalka waddooyinka

0
691

Dowladda dhexe ee dalka ayaa sheegtay in ay ka walacsan tahay tirada dadka ku nafwaaya shilalka waddooyinka oo korortay.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna.
Waxaa uu xusay in 710 qof ay ku dhinteen shilal dhacay intii u dhexeysay bilihii koowaad iyo labaad ee sanadkan.
Dadka shilalka ku dhintay waxay isugu jiraan 230 qof oo lugeynayay, 197 ah wadayaasha mootooyinka ,123 rakaab oo saarnaa baabuur ,darawaliinta gawaarida oo dhan 79 ,58 qof oo saarnaa mooto iyo 23 kaxeynayay baskili.
Tiradan ayuu tilmaamay in ay ka sarreyso midii la diiwaangeliyay bilihii 1-aad iyo 2-aad ee sanadkii hore oo ahayd 562.
Waxay tani micnaheedu tahay in sanadkan 2021-ka ay shilal kala duwan galaafteen nolosha 148 qof oo dheeraad ah.
Cyrus Oguna , afhayeenka dowladda dhexe ayaa sheegay in cudurka COVID-19 awgii ay dalka ka jiraan xayiraado uu ka mid yahay bandowga habeenkii ay filayeen in khasaaraha nafeed ee ka dhasho shilalka waddooyinka uu hoos u dhaco.
Waxaa uu sidoo kale arrin la yaab ah ku sheegay in qaaradda Afrika marka loo barbardhigo qaaradaha kale ee dunida ay ku yaryihiin baabuurta balse shilalku ay ku badan yihiin.
Cyrus Oguna ayaa carrabka ku adkeeyay in hadii Kenyaanka ay beddelaan habdhaqankooda ay si weyn hoos ugu dhacayaan shilalka.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in dowladda ay dejisay qorsho ku aaddan in la sameeyo xarumo ay ku nasan karaan wadayaasha baabuurta oo laga hirgelin doono waddooyinka waaweyn ee isku xiro Malaba-Mombasa iyo Busia-Nairobi
Darawaliintan ayaa kala ah kuwa kaxeeya baabuurta xamuulka iyo gawaarida kale ee safarrada dhaadheer galo.
Oguna ayaa xusay in gaadiidleydan ay daalaan maadaamo ay saacado badan shaqeynayaan tani oo qayb ka noqoto sababaha keeno shilalka.
Wasaaradda gaadiidka ee dalka ayaa sidoo kale qorsheynaysa in dhinacyada kala duwan ee waddooyinka isticmaalo ay u sameyso wacyigelin dhanka badqabka ah iyada oo la kaashanaya maamulka qaran ee gaadiidka ee NTSA.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa shaaciyay inuu jiro qorsho kale oo manhajka waxbarashada ee dalka lagu kordhinayo casharro ku saabsan badqabka dhanka waddooyinka si ardayda xilli hore loo fahansiiyo muhiimadda mas’uuliyadda.
Mr.Cyrus Oguna ayaa ku boorriyay ciidamada gaadiidka kala haga ee taraafikada iyo waaxda garsoorka dalka in ciqaab adag la marsiiyo darawallada ku xadgudba xeerarka u degsan isticmaalka waddooyinka.