Kenya iyo Shiinaha oo xiriirkooda xoojinaya

0
321

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii dowladda Kenya ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka kala dhexeya wadanka Shiinaha.
Waxaa uu bogaadiyay kaalinta Shiinaha uu ka qaato horumarinta kaabayaasha dalka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay safiirka Shiinaha ee Kenya Ambasadoor Zhou Pingjian .
William Ruto ayaa bayaan ku sheegay in Kenya ay aad u daneynaysa inay sii kordhiso iskaashiga dhinacyada badan ah ee ay la leedahay Shiinaha.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay ganacsiga sida suuqgeynta ubaxyada iyo afakaadhaha.