Golaha CoG oo difaacay barasaabka Meru

0
291

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa difaacay guddoomiyaha dowlad deegaanka Meru, Kawira Mwangaza oo ay wakiillada golaha hoose xil ka qaadis ku sameeyeen.
Guddoomiye ku xigeenka COG ahna barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa shir jaraaid ka sheegay in Kawira aan xilkeeda looga qaadin sababo macquul ah.
Barasaabyada ayaa aqalka sare ka codsaday inuu u istaago difaacidda nidaamka dowlad wadaajinta iyo ilaalinta sharciga.
Waxaa ay soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo xeerarka dastuuriga ah si madaxda ismaamullada looga badbaadiyo waxa ay ku tilmaameen xil ka qaadis aan habraac loo marin oo ay ku kacaan xubnaha goleyaasha hoose ee dowlad deegaannada.
CoG ayaa aqalka sare ka codsanaya inuu soo saaro xeer jiheyn karo xiriirka goleyaasha iyo qaybaha fulinta ee ismaamullada iyo xallinta tabashooyinka ay kala qabaan.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen inay lagama maarmaan tahay in xeerkan uu cadeeyo muddada mooshin xil ka xayuubin ah loogu gudbin karo golaha dowlad deegaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo galinka dambe ee maanta aqalka sare uu yeelan doono kal-fadhi gaar ah oo lagu eegaya tallaabadii xilka looga xayuubiyay barasaabka Meru Kawira Mwangaza oo ku eedeysan maamul xumo , qof jecleysi , magacaabid sharci darro ah , xil ka qaadis aan habbooneyn, olole marin habaabin oo ka dhan ah madaxda kale iyo ku xadgudubka dastuurka.
Mwangaza ayaa noqotay barasaabkii ugu horreeyay ee xilka laga qaado tan iyo doorashadii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa kalsoonida kala laabtay 67 ah wakiillada deegaannada hoose ee Meru.