Barasaabka Nairobi oo amar siiyay maamullada isbitaallada

0
263

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja ayaa amar ku bixiyay in isbitaallada caasimadda wadanka laga saaro dhammaan bukaannada u xanniban inaynan bixin qarashaadka caafimaad ee lagu yeeshay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu guddoomiyaha ku sheegay in dowladda hoose ee uu hoggaamiyo ay lacagahan ka bixin doonto bukaannada.
Waxaa uu qoralkiisa ku sheegay in shakhsiyaadkan la doonaya inay dabbaal degyada Christmas la qaataan qoysaskooda.
Sakaja ayaa intaasi ku daray in marka bukaanno badan lagu hayo isbitaallada uu qarashaad badan ku baxo in cunno la siiyo.