Martha Karua oo baaq u dirtay guddoomiyaha aqalka sare

0
349

Madaxa xisbiga Narc-Kenya ,Martha Karua ayaa guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi kula talisay inuu dhinac iskaga dhigo kiiska la xiriira xil ka qaadista barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza.
Waxay Karua hoosta ka xarriiqday in wakiillada golaha hoose ee Meru ay guddoomiyaha xilka uga qaadeen qaab aan xog ogaal loo lahayn.
Wasiiraddii hore ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ayaa intaasi ku dartay in qodobbada ay wakiillada u cuskadeen go’aankooda ay intooda badan yihiin kuwo si kale loo xallin karay.
Waxay tilmaantay in siyaasiyiinta ay canaanan kareen barasaabka ama xita ay burin kareen magacaabid ay sameysay oo muran dhalisay.
Madaxa Narc-Kenya ayaa ku doodaysa inay suurtagal tahay in Kawira Mwangaza si gaar ah loo bartilmaameedsaday maadaama ay tahay qof haween oo hoggaamiye ah.
Waxay tusaale u soo qaadatay tallaabadii shaqada looga eryay ku xigeenkii hore ee madaxa cadaalada dalka Nancy Baraza .
Martha Karua ayaa qabta in haddii aqalka sare uu ayido xil ka qaadistii Kawira Mwangaza ay micnaheedu noqonaysa in wakiillada golaha hoose ee Meru loo oggolaaday inay iyaga qof eedeyeen xukunna ku rideen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka, Amason Kingi uu isugu yeeray senatarrada si ay maalinka Talaadada ee 20-ka bishan ay u yeeshaan kal-fadhi gaar ah oo arrinkan ku saabsan.