Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Musharaxii xisbiga MCC oo ka haray loolanka siyaasadeed ee xilka senatarnimo ee...

Musharaxii xisbiga MCC oo ka haray loolanka siyaasadeed ee xilka senatarnimo ee Machakos

Iyada oo la filayo in berri ay ismaamulka Machakos ka dhacdo doorasho ku celis ah ayaa waxaa tartanka loogu jiro xilka senatarnimo ee dowlad deegaankaas isaga baxay musharaxii xisbiga Maendeleo Chap Chap Mutua Katuku.
Tani ayaa imaanaysa ka dib kulan uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta la yeeshay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee wadanka.
Madaxweyne Kenyatta ayaa mas’uuliyiinta xisbiyada gaar ahaan kuwa ismaamulka Machakos taageero weyn ku leh ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan oo aynan shacabka ku kala qaybin codeynta berri dhacayso.
Barasaabka dowlad deegaanka Machakos ahna hoggaamiyaha xisbiga Maendeleo Chap Chap Dr. Alfred Mutua ayaa dhankiisa sheegay in ay taageersan yihiin geeddi socodka BBI ee lagu xoojinayo midnimada dadweynaha.
Waxaa uu xusay in iyaga oo garab siinaya madaxweyne Uhuru Kenyatta, Raila Odinga iyo dhinacyada kale ee kala shaqeynaya qorshaha sharci beddelka ee BBI ay go’aansadeen in musharaxii ku matali lahaa doorashada ku celiska ee xilka senatarnimo ee Machakos uu tanaasulo.
Loolanka waxaa hadda ugu cadcad oo isugu soo haray Urbanus Ngengele iyo Agnes Kavindu oo kala matalaya xisbiyada UDA iyo Wiper.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments