Nin booliis iska dhigayay oo lagu qabtay Nairobi

0
307

Ciidamada booliiska ee deegaan baarlamaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi ayaa xiray nin ku eedeysan inuu iska dhigay sarkaal amni.
James Obwangi Nyakundi oo 33 sano jir ah ayaa lacago laaluush ah ka qaatay ganacsatada aan ka shakin dhaqdhaqaaqiisa.
Waxaa uu ganacsatada u sheegayay inuu ka mid yahay ciidamada dambi baarista ee ka howlgalo saldhigga booliiska ee deegaanka Kasarani .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibbanayaasha uu laaluushka ka dalbaday ay u badan yihiin milkiilayaasha goobaha lagu caweeyo.
Waxaa xarigga eedeysanaha xaqiijiyay taliyaha booliiska Kasarani Anthony Mbogo.
Mas’uulkan ayaa warbaahinta u sheegay inay baaritaano ku sameynayaan cabashooyin badan oo laga soo gudbiyay Nyakundi ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.