Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa si rasmi ah u daahfuray duullimaad toos ah oo u dhexeya magaalooyinka Mombasa ee gobolka Xeebta iyo Dubai oo ka tirsan Imaaraatka.
Waxaa uu sheegay in duullimaadka ay diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ku tagayaan Dubai uu kobcin doono dalxiiska gobolka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in tani ay fursadooyin shaqo u abuuri doonto dad badan oo ku nool Mombasa.
Xilli uu xalay ku sugnaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Moi International Airport ee Mombasa ayuu Gachagua tilmaamay in tallaabadan ay sidoo kale yareyn doonto muddada safarrada.
Waxaa uu dhanka kale shirkadda Kenya Airways ku boorriyay inay hal-abuur la timaado maadaama ay tartan wajahayso.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay taageero siin doonto shirkadda duullimaadka ilaa iyo inta si buuxda looga gudbaya caqabadaha ku hor gudban.
Gachagua waxaa socdaalkiisa Mombasa ku wehelinayay wasiirka gaadiidka Kipchumba Murkomen iyo wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta Penina Malonza.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shacabka ku nool gobolka Xeebta ugu baaqay inay la shaqeeyaan barasaabyadooda iyo dowladda dhexe si loo horumariyo deegaanadooda.
Malonza ayaa dhankeeda sheegtay in daahfurka duullimaadka tooska ee Mombasa iyo Dubai ay tahay riyo u rumowday wasaaradda dalxiiska ee dalka maadaama ay dalxiisayaal badan ka imaan doonaan bariga dhexe, Aasiya iyo Yurub.
15TH DECEMBER, 2022
INAUGURAL MOMBASA-DUBAI FLIGHT ✈️
It is a great moment for Kenya 🇰🇪 as the inaugural flight for our National Carrier, @KenyaAirways, to Dubai from Mombasa's MIA takes to the skies. pic.twitter.com/FyjsSkfRZW
— Rigathi Gachagua (@rigathi) December 15, 2022
This historic ✈️ is a dynamic to sustain millions of jobs from the tourism sector; By connecting the Kenyan Coast to the Middle East directly, the travel time is effectively reduced, making Kenya 🇰🇪 the most attractive destination for the Middle East tourists. pic.twitter.com/0swyZwerfq
— Rigathi Gachagua (@rigathi) December 15, 2022




