Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya William Ruto oo taageero u muujiyay wiilka senatarkii geeriyooday ee Garissa

William Ruto oo taageero u muujiyay wiilka senatarkii geeriyooday ee Garissa

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo kulan la qaatay qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegay inuu taageerayo in Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji uu noqdo senatarka Garissa ka dib geeridii aabihii oo xilkan hayay ku timid bishii hore.
Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in siyaasiyiinta ay wada hadleen ay ka tirsan yihiin xisbiyada Jubilee, ODM, UDA iyo KANU.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray awoodsiinta danyarta.
William Ruto ayaa xusay in madaxda laga doonayo in ay iska kaashadaan la tacaalidda caqabadaha haysto malaayiin qoysas ah oo ku nool dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn in mas’uuliyiinta ay ku mashquulaan siyaasad kala qaybin ku saleysan balse ay xoogga saaraan sidii loo garab istaagi lahaa dadka saboolka ah si noloshoodu loo wanaajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments