Aqalka sare oo eegi doono xil ka qaadis lagu sameeyay barasaabka Meru

0
372

Guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi ayaa dib ugu yeeray senatarrada oo fasax ku jiray.
Waxaa ay xubnaha eegi doonaan geeddisocodkii wakiillada hoose ee ismaamulka Meru ay dhawaan xilka uga qaadeen barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
Go’aanka Kingi ayaa yimid ka dib markii uu xaqiijiyay inuu guddoomay dokumeentiyada xil ka qaadista.
Waxaa mustaqbalka hoggaamineed ee Kawira go’aan ka gaari doono guddi ka kooban 11 xubnood ama si guud xubnaha senate-ka oo ay eedeymaha la soo jeediyay ku xaqiijinayaan ama dhinac iskaga dhigi doonaan 10 cishe gudahooda.
Xil ka qaadista Kawira oo lagu saleeyay maamul xumo iyo ku takriifal awoodeed ayaa waxaa ansixiyay 67 ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Meru.