Maxkamadda sare oo hor istaagtay in lacago lagu wareejiyo ismaamulka Garissa

0
420

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay ku hor istaagayso in dowladda dhexe ay dhaqaale ku wareejiso ismaamulka Garissa.
Tani ayaa timid ka dib dacwad uu maxkamadda geeyay Maxamad Xasan Axmad.
Dacwadda ayaa ku saleysan in aan dadweynaha laga qayb gelin qorshaha maaliyadeed ee ismaamulka Garissa ee 2022-2023-ka.
Waxay maxkamaddu amartay in maareeyaha miisaaniyadda dowladda iyo wasaaradda maaliyadda aynan Garissa siin karin lacago ilaa 25-ka bisha Koowaad ee sanadka soo socdo oo dacwaddan mar kale la soo hadal qaadi doono.