Kenya iyo Maraykanka oo ka wada shaqeyn doono amniga geeska Afrika

0
295

Dowladda Kenya oo kaashanaysa Maraykanka ayaa ka shaqeyn doonto xasilinta gobolka geeska Afrika.
Waxaa arrintan shaaca laga qaaday ka dib kulan dhex maray madaxweynaha dalka William Ruto iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Blinken ayaa sheegay in Kenya ay qasab tahay inay safka hore ka gasho xaqiijinta nabadgalyada Itoobiya , Soomaaliya iyo Congo.
Waxaa uu dhanka kale Mr. Blinken bogaadiyay dimuqraadiyadda sii kobcaysa ee Kenya iyo madax bannaanida maamullada dowladeed.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa cadeeyay inay ka go’an tahay sii xoojinta dimuqraadiyadda iyo madax bannaanida xafiisyada dastuuriga ah.
William Ruto ayaa sheegay in xasiloonida geeska Afrika ay ku xiran tahay Soomaaliya oo nabad ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan sidii argagixisada looga cirib tiri lahaa gobolka.