Xoghayaha guud ee KANU oo shaqada laga joojiyay

0
360

Waxaa si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay xoghayaha guud ee xisbiga KANU ,Nick Salat.
Tallaabadan ayaa timid ka dib kulan uu shalay ismaamulka Nakuru ku yeeshay golaha qaran ee fulinta ee xisbiga.
Nick Salat ayaa lagu eedeyay inuu ku xadgudbay dastuurka u degsan ee lagu maamulo KANU.
Madaxa xisbiga ,Gideon Moi ayaa sheegay in golaha fulinta loo soo gudbiyay cabashooyin badan oo ku saabsan habdhaqanka xoghayaha guud ee shaqada laga istaajiyay muddo 30 cishe ah.
Salat oo ka qayb galay shirkii shalay ayaa ka soo horjeestay go’aanka isaga ka dhanka ah ee la qaatay.
Waxaa uu sheegay in aan fursad loo siin inuu iska difaaco eedeymaha loo jeediyay ee ay ka mid tahay qorsheynta xil ka qaadista madaxa xisbiga.
Xoghayaha ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu qorsheeyay shir uu madaxda la soo doortay kula yeelanaya Nakuru halkaasi oo looga hadli doono xubinnimada xisbiga KANU ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio .
Guddiga habdhaqanka ee KANU ayaa lagu amray inuu dardargeliyo baaritaannada ka dhanka ah Nick Salat oo uu bil ka dib arrintan soo gabagabeeyo.