DCI oo bogaadisay iskaashiga kala dhexeya safaaradda Jarmalka

0
290

Agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da, Aamiin Maxamad ayaa soo dhaweeyay iskaashiga sii xoogeysanaya ee waaxda kala dhexeya safaaradda dowladda Jarmalka ay ku leedahay Kenya.
Shalay ayay ahayd markii ay safaaraddu 25 kombiyuutarro ah ku wareejisay DCI.
Labadii sano ee ugu dambeeyay booliiska qaabilsan la dagaalanka argagixisada ayaa lagu wareejiyay 5 baabuur iyo ugu yaraan 30 mootooyin ah.
Aamiin Maxamad , Agaasimaha dambi baarista ayaa sidoo kale bogaadiyay in ugu yaraan 100 sarkaal ay ka faa’iidaysteen tababarro maxalli iyo kuwo dibadeed oo ay maalgelisay safaaradda jarmalka ee magaalada Nairobi.