IEBC oo qiimeynaysa doorashadii guud

0
226

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa ku howlan qiimeyn la xiriirta codeyntii dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Guddiga ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu qabanaya kulamo wada xaajood ah oo ay ka qayb galayaan daneeyayaasha kala duwan.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in la ogaado waxyaabihii lagu guulaystay , gaabadkii jiray iyo casharrada laga bartay maareynta doorashada sanadkan.
IEBC ayaa dib u eegis ku sameyn doonto qorshaheeda istiraatiijiga ee 2020-2024.
Guddiga ayaa sidoo kale dejin doono qorshaha lagu howlgalaya ee doorashada guud ee sanadkan 2027-ka iyadoo lagu saleynaya warbixinta ka soo baxdo qiimeynta socota.