Waaxda asluubta ee dalka ayaa sheegtay inay kaashan doonto garsoorka si dadka lagu soo eedeyo dembiyada fudud aan xukunno xabsi loogu ridin.
Tallaabadan ayaa ujeeddada laga leeyahay ay tahay in la yareeyo ciriiriga ka dhex jiro xabsiyada wadanka.
Waxaa qorshahan xaqiijisay xoghayaha joogtada ah ee waaxda asluubta Mary Muthoni.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay maanta tagtay xabsiga Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqay in marka la fududeeyo ciriiriga xabsiyada ay suurtagal noqon karto in la wanaajiyo xaaladaha maxaabiista ku hara xarumahan.
Muthoni ayaa intaasi ku dartay inuu jiro qorsho dib loogu eegaya daryeelka ciidamada asluubta ee dalka oo ay ka mid tahay in la dallacsiiyo.