Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, Wafula Chebukati ayaa hoggaamin doono toddobo qof oo ku marqaati furi doono 4 sarkaal oo ka tirsanaa guddiga oo la eedeyay.
Afarta sarkaal oo si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay ilaa iyo haddana saddex ka mid ah ay is casileen ayaa kala ah Irene Masit, Juliana Cherera, Francis Wanderi iyo Justus Nyangaya.
Howlwadeennadan ayaa loo haystaa inay bishii Siddeedaad ee sanadkan ka soo horjeesteen natiijadii guud ee doorashada saacado un ka hor inta uunan guddoomiyaha si rasmi ah ugu dhawaaqin.
Talaadada soo socoto ayuu guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto arrintan u xilsaaray billaabi doonaa dhageysiga afkaarta dhinacyada kala duwan.




