Qiimaha shidaalka oo aan isbeddeli doonin

0
402

Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa shaaciyay in wax isbeddel ah uunan bishan Diseembar ku imaan doonin qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah kenyaanka ay isku diyaarinayaan inay u safraan deegaannada ay ka soo jeedaan si ay ugu soo dabbaal degaan Christmas.
Waxaa xilliyada fasaxa dhacda in gaadiidleyda ay kordhiyaan qiimaha nooliga lagu raaco baabuurta.
Hasa ahaate maamulka EPRA ayaa sheegaya in qiimaha shidaalka aan la kordhin doonin ilaa 14-ka bisha Jannaayo ee sanadka soo socdo.