Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Narok ayaa gacanta ku dhigay shan qof oo ku eedeysan inay iska dhigayeen shaqaalaha maamulka canshuuraha ee KRA.
Shakhsiyaadkan ayaa la qabtay xilli ay dhibaateynayeen ganacsatada dowlad deegaankaasi.
Tuhmanayaasha oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska ayaa hadda maraya baaritaano dheeraad ah.
Bayaanka laamaha ammaanka waxaa ku cad in askariga ka midka ah shanta ruux ee la xiray horay shaqada looga joojiyay ka dib markii lagu helay falal noocani oo kale ah.
Tallaabada lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa timid ka dib markii milkiilayaasha goobaha lagu caweeyo ee Narok ay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqooda.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in tuhmanayaasha ay ganacsatada ka dalbadeen lacago badan oo laaluush ah iyagoo ugu hanjabay inay xiri doonaan goobahooda ganacsi haddii aynan lacagta bixin.
Shanta qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Leah Wanjiku, Ann Wagio, Thomas Mwangi, Davies Simiyu iyo hoggaamiyahooda Urbanus Kioko.
Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo helay kaararka bangiyada ee ATM-ka, kaararka shaqaalaha KRA,tiimbaraha maamulka iyo waxyaabo kale.
SENIOR POLICE OFFICER ON INTERDICTION ARRESTED WHILE DEMANDING FOR BRIBES
Five suspects masquerading as Kenya Revenue Authority officials have been arrested in Narok town as they terrorized businessmen dealing in the liquor business. The five who include a notorious senior pic.twitter.com/CFcYaKPDPM
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) December 14, 2022
The suspects are currently in custody being processed to answer to charges of impersonation, extortion, forgery and other allied offences. #FichuaKwaDCI 0800 722 203.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) December 14, 2022




