Deegaannada xoolo dhaqatada oo ay suurtagal tahay inaysan bishan roobab badan ka da’in

0
339

Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee (NDMA) ayaa saadaashiisa billaha ah ku sheegay inay dhici karto bishan Diseembar deegaannada oomanaha ee loo yaqaano (ASALs) aynan roobab badan ka da’in.
Ismaamulladan ayaa kala ah Marsabit, Samburu, Isiolo, Wajeer, Mandera, Garissa, Meru, Kitui, Tana River, Lamu, Kilifi, Kwale, Taita Taveta, Makueni, Tharaka Nithi, Embu iyo Kajiado .
Saadaasha waxay tilmaamaysa in qaybo ka mid ah dowlad deegaannada Mandera , Wajeer iyo Marsabit ay ka da’i karaan roobab heer dhexe ah.
NDMA ayaa intaasi ku dartay in weli saameynta abaarta si wayn looga dareemaya 20 ka mid ah 23 dowlad deegaan oo ay ku dhufatay.
Waxaa gudaha wadanka gargaar cunno ugu baahan 4.35 milyan oo qof.