Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee (KNUT) ayaa dowladda dhexe ka dalbanaya inay boqolkiiba 60 kordhiso mushaarka billaha ah ee ay qaataan barayaasha.
Waxaa arrintan ka hadlay xoghayaha guud ee KNUT ,Collins Oyuu oo sheegay inay diiradda saarayaan sidii sanadka cusub loo wanaajin lahaa xaaladaha ay ku shaqeeyaan macallimiinta .
Oyuu ayaa hoosta ka xarriiqay inay muddo badan sugayeen mushaar kordhin sidaas awgeedna ay hadda diyaar u yihiin inay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC la yeeshaan wada hadallo qorshahan ku aaddan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ka qayb galay shirweynaha 62-aad ee ergada ururka macallimiinta ee KNUT oo lagu qabtay ismaamulka Kisumu.
Waxaa uu xusay in la joogo xilligii si buuxda loo dhaqan gelin lahaa heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin oo ay horay u wada gaareen ururrada macallimiinta iyo guddiga TSC.
Sidoo kale waxaa uu xoghayaha guud ee KNUT soo dhaweeyay tallaabada laga billaabo bisha koowaad ee sanadka 2023-ka , guddiga TSC uu ku shaqaaleysiinaya 30,000 oo macallimiin ah.




