Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 2 qof oo uu ku jiro wiil yar oo saddex sano jir ah, ka dib markii uu dab qabsaday guryo ku yaalla xaafadaha Islii iyo Majengo ee deegaanka Kamukunji magaalada Nairobi.
Booliiska caasimadda dalka ee Nairobi ayaa laga soo xigtay in loo soo gudbiyay toban dhacdo oo la xiriira shil dab ah.
Waxaa dhacdooyinkan ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof iyadoo ay jirto burbur hantiyeed.
Dhacdadii ugu horreysay ee dab la xiriirta ayaa laga soo tabiyay dabaqa saddexaad ee guri ku yaalla waddada koowaad ee xaafadda Islii islamarkaana uu wiilka 3 sano jirka ah ku geeriyooday.
Wararka ayaa sheegaya in wiilka yar oo lagu magacaabi jiray Xuseen Faarax uu u geeriyootay dhaawacii soo gaaray, iyadoo xaaladdiisi lagula tacaalayay isbitaalka.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dabkan.
Booliiska iyo dadka deegaanka ayaa ka shakiyay in dab uu ka dhashay waxyaabo qarxo, hasa ahaate haatan baaritanno ayaa socdo.
Meydka qofka kale oo 27 sano jir ahaa ayaa laga helay dab ka kacay xaafadda isku raranta Majengo ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa meydka labada qof loo qaaday goobta meydadka la dhigo, iyadoo ay socdaan baaritaanno dheeraad ah.




