Barasaab ku xigeenka ismaamulka Wajeer Axmad Muxumad iyo wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi Faadumo Cabdi Jeexow ayaa bulshada xoolo dhaqatada ah ka codsaday inay iskugu dulqaataan saameynta abaarta ee sababtay isku guurka.
Dhanka kale barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa ka hadlay qorsho dhanka deegaameynta ah oo lagu bixinaya sabar loogooyin iyo la tacaalidda cudurka daacuunka ee ka dillaacay qaybo ka mid ah ismaamulkaasi.