DHAGEYSO:Barasaabka Garissa oo sheegay in dabbaal degyada qaran lagu qaban doono deegaannada

0
328

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa sheegay in la billaabay qorsho ah in dabbaal degyada qaran sida maalinta Jamhuri Day ee shalay wadanka laga xusay lagu qabto deegaan baarlamaaneedyada.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu ku sugnaa degmada Masalani ee deegaanka Ijara.
Waxaa uu sidoo kale halkaasi xariga uga jaray mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay isbitaalka heerka afaraad ee Masalani.
Guddoomiyaha oo sidoo kale furay suuqa Masalani oo ay ku ganacsan doonaan ilaa 450 qof ayaa ka hadlay barnaamij sare loogu qaadaya maamulka degmada Masalani iyo baabuurka dab damiska oo halkaasi la geeyay.