Madaxweynaha dalka oo saxiixay in kheyraad dheeraad ah la siiyo ismaamullada

0
251

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeed oggolaanaya in dowlad deegaannada la siiyo lacago dheeraad ah.
Hindisahan oo looga soo gudbiyay aqalka sare ayaa waxaa soo saaray senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba.
Madaxtooyada dalka ee State House ayaa bayaan ku sheegtay in lacagaha dheeraadka ee loo qoondeynaya dowlad deegaannada lagu heli doono amaahda ay bixiyaan saaxiibbada Kenya ee dhinaca horumarka ama saami qaybsiga dakhliga dowladda dhexe iyo ismaamullada.