In ka badan 4,000 oo qoys oo gargaar loogu qaybiyay Kajiado

0
257

Waxaa ismaamulka Kajiado cunno gargaar ah loogu qaybiyay ugu yaraan 4,000 oo qoysas ah oo ku nool deegaanka Loitoktok.
Deeqda ayaa waxaa bixisay bulshada Shree Oshwal Community ee Nairobi.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Loitoktok, Wesley Koech ayaa bogaadiyay kana mahadceliyay bixinta gargaarkan.
Koech ayaa sheegay in dadweynaha deegaankaasi ay saameyn wayn ku yeelatay abaarta.