Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa in maanta uu kenyaanka ku hoggaamiyo munaasabadda 59-aad ee maalinka qaran ee Jamhuri Day.
Waxaa xuska sanadkan lagu qabanayaa fagaaraha taarikhiga ee Nyayo ee magaalada Nairobi.
Waa maalin la xusuusto 12-kii bishii 12-aad ee sanadkii 1964-tii xilligaasi oo ay Kenya noqotay Jamhuuriyad leh maamulka gudaha hal sano iyo 6 bilood ka dib markii ay xurriyadeeda ka qaadatay guumeystihii Ingiriiska.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka, Raymond Omollo ayaa sheegay in tiro marti-sharaf ah oo lagu casuumay xuska maalinkan sida, safiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in 20,000 oo qof oo dadweyne la qorsheeyay inay ka qaybgalaan munaasabaddan.
Mr. Omollo ayaa intaasi ku daray in munaasabadda 59-aad ee maalinka qaran ee Jamhuri Day sidoo kale lagu qaban doono ismaamullada kala duwan ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu kenyaanka u xaqiijinaya in amniga si wayn loo sugay.
Dabaaldegga maalinta Jamhuri ee sanadkan, ayaa ka duwanaan doona sanadihii hore, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono farsamada iyo hal-abuurka, sida uu 6-dii bishan sheegay madaxweynaha dalka William Ruto.
We salute the men and women who sacrificed blood and pain to deliver the joy and the dignity of independence 59 years ago. Happy #JamhuriDay2022. pic.twitter.com/PtwIarGs9L
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) December 12, 2022




