Jalang’o: Waa qorsho lagu magac dilayo Raila soo jeedinta ah in dowladda ay mucaaraadka xafiis u sameyso

0
328

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi Phelix Odiwuor oo loo yaqaano “Jalang’o” ayaa ku andacooday in maamulka madaxweynaha dalka William Ruto uu dabada ka riixaya in mucaaradka xafiis gaar ah loo furo.
Mudanaha ayaa xusay in qorshahan la doonayo in lagu magac dilo hoggaamiyaha mucaaradka ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Wareysi uu siiyay taleefishinka maxalliga ee Cetizen ayuu Mr. Jalango sheegay in mucaaradka uusan dooneen in dowladda ay xafiis u furto.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhawaan soo jeediyay in xaafiis dowladeed mucaaradka loo furo.
Waxaa soo jeedintan soo dhaweeyay xildhibaannada isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Lang’ata ayaa xusay in xafiis rasmi ah oo loo furo mucaaradka uusan wax badan ka qaban doonin kormeeriidda howlaha dowladda.