Faadumo Geedi oo ka mid ah shakhsiyaad loo ansaxiyay ku biiridda guddiga dakhliga

0
501

Wakiilkii hore ee haweenka ismaamulka Wajeer Faadumo Geedi Cali iyo 6 qof oo kale ayaa golaha qaran ee xeer dejinta u ansaxiyay inay ka mid noqdaan xubnaha guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA.
Isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza waxaa guddigan ku matalaya Benedict Muasya Mutiso, Jonas Vincent Kuko, Isabel Nyambura Waiyaki iyo Hadija Nganyi Juma
Waxaa dhanka mucaaradka Azimio La Umoja -One Kenya matalaya Wilfred Koitamet ,George Jalang’o Midiwo iyo Faadumo Geedi Cali.
7-da qof ayaa bishii hore laga soo dhex xushay 139 codsiyo soo dirsaday.
Guddiga CRA ayaa qaabilsan bixinta talooyin lagu saleyn karo in dowladda dhexe iyo ismaamullada dalka ay si siman u qaybsadaan dakhliga la uruuriyo.
Toddobada qof ayaa beddeli doono xubnaha CRA ee uu muddo xileedkoodu ku egyahay 31-da bisha 12-aad ee sanadkan.