DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo daahfuray guriyo laga dhisaya Machakos

0
306

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta deegaanka Mavoko ee ismaamulka Machakos ka daahfuray mashruuc lagu dhisaya guriyo ay dadweynaha qiimo ahaan awoodaan.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in mashruucan lagu dhisi doono ku dhawaad 5,000 oo guriyo ah.
Waxaa uu ugu horreyn shacabka ku nool deegaankaasi iyo guud ahaan Kenyaanka mar kale uga mahadceliyay inay 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan u doorteen hoggaanka wadanka.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in laga soo gudbay loolankii siyaasadeed oo hadda la joogo xilligii loo adeegi lahaa dadweynaha.

Hoggaamiyaha wadanka ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruuca uu maanta daahfuray iyo baahida ay kenyaanka u qabaan inay helaan guriyo tayo leh oo ay qiimo ahaan ku noolaan karaan.
Waxaa uu sheegay in guriyaha la dhisaya badankoodu ay yihiin kuwo aynan degi karin dadka caadiga ah.

Waxaa madaxweynaha wehelinayay wasiirka arrimaha dhulalka iyo guriyeynta Zakariah Njeru, barasaabka Machakos Wavinya Ndeti (Machakos), dhigeeda Kitui Julius Malombe, senatarka Machakos Agnes Kavindu, xildhibaanka deegaanka Mavoko Patrick Makau iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa uu xusay in shaqooyinka yaryar ee la xiriira dhismaha guriyahan ay qaban doonaan dadka deegaanka si shaqo abuur loogu sameeyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay awoodsiinta dumarka ayaa xusay in mashruucan fursad lagu siin doono haweenka ku howlan arrimaha dhismaha si ay kartidooda u muujiyaan.