Dowladda oo sheegtay in xaaladda abaarta ay ka sii dari karto

0
363

Wasaaradda arrimaha bariga Afrika ,horumarinta gobolka iyo deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ayaa sheegtay inay sii xumaan karto xaaladda abaarta ee ka jirta dalka.
Waxaa ay hoosta ka xarriiqday in kastoo qaybo ka mid ah wadanka ay roobab ka da’een haddana ay suurtagal tahay in aan roob la helin xilli shanaad.
Waxaa hadda heerka digniinta ku jiro 13 ismaamul oo kala ah Mandera, Wajeer, Garissa, Isiolo, Marsabit, Turkana, Samburu, Tana River, Taita Taveta, Kajiado, Kilifi, Kwale iyo Kitui .
Wasiiradda wasaaradda bariga Afrika ,horumarinta gobolka iyo deegaannada oomanaha , Rebecca Miano ayaa sheegtay in dadka u baahan gargaar baniaadannimo ay tiradoodu tahay 4.35 milyan.
Sidoo kale waxaa sare u sii kaceysa halista la xiriirta nafaqo darro baahsan .
Ilaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay in 942,000 oo carruur ah kuwaasoo ay da’doodu u dhexeyso 6 ilaa 59 bilood ay xaaladdan wajahayaan.
Kiisaska hooyooyinka carruurta nuujinaya ama uurka ah ee ay nafaqo darrada haysato ayaa ah 134,000 .
Miano ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay qaadday tallaabooyin falcelin ah si loo gaaro qaybaha ugu nugul bulshada.