Mike Sonko oo maxkamad la soo taagay

0
602

Waxaa maanta maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka soo hormuuqday guddoomiyihii hore ee caasimadda dalka Mike Sonko.
Sonko ayaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuqa oo la xiriirta 10 milyan oo shilin.
Garsoore Douglas Ogoti ayaa horay dhinac isaga dhigay codsi uga yimid qareennada Sonko oo ay ku doonayeen in dhageysiga dacwadda dib loo dhigo.
Sidoo kale xaakinka ayaa sheegay in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay eedeysanaya uu muujiyay inuusan qabin dhibaato dhanka maskaxda ah sidaas awgeedna la maxkamdeyn karo.