IEBC oo ballanqaaday inay si caddaalad ah u maareyn doonto doorashada Bungoma

0
212

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa sheegay inuu si caddaalad ah u maareyn doono codeynta ku celiska ah ee berri lagu qabanaya ismaamulka Bungoma ee galbeedka Kenya.
Shacabka halkaasi ku nool ayaa soo dooran doono senatar ku matalo aqalka sare.
Tani ayaa timid ka dib markii Moses Wetangula oo ahaa senatarka Bungoma uu is casilay maadaama loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka.
Ololaha doorasho ee loogu jiro xilka senatarnimo ayaa soo idlaaday 6-dii maqribnimo ee shalay sida uu qabo dastuurka wadanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Ford-Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay si wayn ugu ololeynayay Mwalimu David Wakoli Wafula.
Waxaa sidoo kale jagadan u tartamaya xildhibaankii hore ee deegaanka Bumula , Mwambu Mabonga oo matalaya xisbiga UDA.
Sarkaalka IEBC u qaabilsan Bungoma ,Grace Rono ayaa musharraxiinta ku amaantay inay sameeyeen olole siyaasadeed oo nabad ah.
Rono ayaa sheegtay in codadka laga dhiibto doorashada ku celiska ah ee berri ka dhici doonto Bungoma lagu tirin doono xarunta tababarka arrimaha beeraha ee Mabanga.
Dadweynaha ayaa codkooda ku dhiiban doono 1,373 oo ah goobaha codbixinta.