Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehellada wariye Robin Njogu oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Nairobi hospital ee caasimadda dalka.
Waxaa uu u geriyooday cudurka Covid-19 sida ay ku warramayaan warbaahinnada maxaliga ah.
Wariyaha geeriyooday ayaa ka howlgalayay warbaahinta Royal Media ee magaaladatan Nairobi.
Mr. Kenyatta ayaa farriinta tacsida Mr. Robin Njogu ku sifeeyay in uu ahaa suxufi horumar leh oo kaalin weyn ku lahaa raadiyaha iyo saxaafadda internetka tani oo wax weyn ka beddeshay warbaahinta iyo waaxyaha isgaarsiinta.
Waxaa uu intaa ku daray in Robin uu ahaa wariye wanaagsan oo soo garab qabtay dhallinyarta ku soo biirtay awoodda afaraad ama saxaafadda.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyay in Mr. Robin Njogu ay kenyaanka ku xasuusan doonaan xirfadiisa iyo qibradiisa warbaahinta , gaar ahaan raadiyaha oo uu kaga tagay raad weyn oo heer sare ah.
Waxaa sidoo kale geeridiisa ka tacsiyeeyay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, barasaabka ismaamulka Macahakos, baahda warbaahinta Royal Media iyo ma’suuliyiin kale sida wasiirrrada dhulalka Farida Karoney iyo dhigeeda warfaafinta Joe Mucheru.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay geeriyootay hooyada Mr. Njogu .