Guddi baaraya saraakiisha IEBC oo Jimcaha warbixin soo saari doono

0
222

Guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu baaritaan ku sameeyo afar sarkaal oo ka tirsan guddiga IEBC oo la eedeyay ayaa maalinka Jimcada ee toddobaadkan ka warbixin doono halka ay wax marayaan.
Guddigan waxaa hoggaaminaya garsoore Aggrey Muchelule.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labo ka mid ah howlwadeennada baaritaannada wajahaya ay is casileen.
Waxaa ay kala yihiin guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashooyinka Juliana Cherera iyo sarkaal sare Justus Nyang’aya .