Guddoomiyaha guddiga nabadgalyada ee Jarajila oo ka tirsan deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Cismaan Carte Cabdi ayaa bulshada kula taliyay inay xasiloonida ku dadaasho oo la isku dulqaadato xilligan adag ee la wajahaya saameynta abaarta awgeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jirto xaalufinta dhirta iyo ugaarsiga duur joogta isagoo xildhibaanka deegaanka Faafi ka codsaday inuu arrimahan wax ka qabto.




