Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa beeniyay inay kala qaybsanaan soo kala dhex gashay xisbiyada ku mideysan isbeheysiga Azimio.
Markii uu warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa wehelinayay madaxa xisbiga NARC Kenya ,Martha Karua xoghayaha guud ee Jubilee Jeremiah Kioni, guddoomiye ku xigeenka Jubilee David Murathe iyo mas’uuliyiin kale.
Martha Karua ayaa dhankeeda sheegtay in dadka ka soo qayb geli doono isku soo baxyadan ay ka codsanayaan inaynan rabshad adeegsan oo aan lagu kicin boob hantiyeed ama dhibaatooyin kale.
Isku soo baxyada dadweyne ee ay mucaaradka ku dhawaaqeen ayaa ku saleysan in baaritaano ka dib si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC oo lagu dhaliilay mowqif ay bishii Sideedaad ee sanadkan ka qaateen natiijadii doorashadii guud ee dalka ka dhacday.
Waxaa ay kala yihiin Juliana Cherera, Irene Masit, Francis Wanderi, iyo Justus Nyang’aya.
Cherera iyo Nyang’aya ayaa ilaa iyo hadda iska casilay xilalkii ay ka haayeen guddiga.




