Maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA ayaa sheegay in ay sare u kacday tirada dadweynaha ku nool gudaha wadanka ee u baahan gargaarka baniaadanimo.
Bayaan uu maamulkan soo saaray ayaa waxaa ku xusan in tirada dadka u baahan gurmadka ay korortay boqolkiiba 90.
Bishii sideedaad ee sanadkii hore waxay ahayd 739,000 qof halka bishii labaad ee sanadkan la diiwaangeliyay in 1.4 milyan oo qof oo ku nool Kenya ay u baahan yihiin gargaarka baniaadanimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka NDMA uu dhanka kale saadaaliyay in abaarta ay sii jiri doonto.
Caqabaddan ayaa loo aaneeyay in bilihii ugu dambeeyay ee 2020-kii aynan di’in roobab badan.
Sidoo kale waxaa xaaladda mid cakiran ka sii dhigay cudurka COVID-19 oo sababay saameyn dhaqaale , Ayax ku habsaday qaybo badan oo wadanka ka mid ah , cuduro saameeyay xoolaha iyo qiimaha cunnada kale duwan oo sare u kacay.
Meelaha ay abaarta sida weyn u saameysay waxaa ka mid ah ismaamullada gobolka waqooyi bari iyo Turkana.