Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya IEBC oo bayaan ka soo saartay doorashada ku celiska ee Machakos

IEBC oo bayaan ka soo saartay doorashada ku celiska ee Machakos

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in uu si buuxda ugu diyaar garooway maareynta doorashada ku celiska ah ee ismaamulka Machakos.
18-ka bishan ayaa la filayaa in dadweynaha ku nool Machakos ay doortaan senatar cusub ka dib geeridii sanadkii hore ku timid Boniface Kabaka oo aqalka sare ku matalayay.
Guddiga ayaa xusay in uu codbixiyayaasha ismaamulkaas u sameeyay wacyi gelin ku filan oo ku aaddan qaabka ay codkooda u dhiiban karaan maalinka khamiista ee toddobaadkan.
IEBC ayaa sheegtay in dhammaan saraakiisha qaabilsan goobaha kala duwan ee codbixinta ay dhameysteen tababar la siinayay sidoo kalena la dhaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments