Kenya oo badeecadaha wadanka laga soo saaro gayn doonta Koonfurta Suudaan

0
263

Dowladda Kenya ayaa fududeyn doonta in badeecadaha dalka laga soo saaro la geeyo wadanka Koonfurta Suudaan.
Badeecooyinkan ayay dowladda sheegtay in lagu heli karo qiimo wax ku ool ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ganacsatada Koonfurta Suudaan ay door-bidi karaan inay badeecadahooda ay ka raran karaan dekedda Mombasa, iyo xarumaha Nairobi ama Naivasha.
Hadalkan ayuu hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ka sheegay magaalada Juba ee caasimadda wadanka Koonfurta Suudaan, ka dib kulan laba geesood ah oo uu shalay la qaatay dhigiisa dalkaasi Salva Kiir.
Dr. Ruto ayaa sheegay in Kenya ay aad u daneyneyso in loo fududeeyo in badeecadaha wadanka laga soo saaro ay gaaraan Koonfurta Suudaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay siin doonto dalka Koonfurta Suudaan dhul ku yaalla ismaamulka Mombasa si ay uga dhisto deked yar, si loo fududeeyo ganacsiga u dhexeyo muwaadiniinta labada dal.
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan ayaa dhigiisa Kenya uga mahadceliyay inuu meesha ka saaray xannibaado horseeday inay adkaatay xiriirkii ganacsi ee labada dal u dhexeyay.
“Anigoo ku hadlaya magaca dadka Koonfurta Suudaan waxaan uga mahadcelineynaa Kenya sida ay ugu ogolaatay ganacsatadeena in ay doortaan halka ay alaabtooda ka raran karaan iyada oo aan wax xayiraad ah ama caqabad aan lagala kulmin ,” ayuu yiri madaxweyne Kiir.
Kulanka labo geesoodka ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa goobjoog u ahaa madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku tagay shalay dalka Koonfurta Suudaan.
Waxaa safarka ku wehlinayay wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud ee dalka Kipchumba Murkomen.