Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Mudanaha Saku oo madaxweynaha uga mahadceliyay magacaabid uu sameeyay

Mudanaha Saku oo madaxweynaha uga mahadceliyay magacaabid uu sameeyay

Xildhibaanka deegaanka Saku ee ismaamulka Marsabit Dido Rasso ayaa madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadceliyay in xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda dhexe ee uu magacaabay uu ku soo daray saddex qof oo ka soo jeedo deegaannada xoolo dhaqatada ee loo yaqaano ASALs.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah Kello Harsama( xoghayaha horumarinta dalagga), Maxamad Liibaan ( Xoghayaha batroolka) iyo Idris Dogota ( xoghayaha deegaannada oomanaha ah)
Rasso ayaa hoosta ka xarriiqay in markii ugu horreysay ay tahay in bulshooyinka ku nool waqooyiga dalka saddex xilal oo xoghayeyaal ah laga siiyay dowladda dhexe.
Waxaa uu xildhibaan Rasso xusay inay madaxweynaha u muujinayaan inay dareemayaan ka mid ahaanshaha dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadweynaha ismaamullada Isiolo, Marsabit iyo Tana River ay garab siin doonaan hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee maamulka madaxweyne William Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments