Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday inuu taageeri doono xoghayeyaasha la dhaariyay

Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday inuu taageeri doono xoghayeyaasha la dhaariyay

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u hambalyeeyay 51 qof oo maanta loo dhaariyay xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Waxaa uu ballanqaaday inuu mas’uuliyiintan garab ku siin doono gudashada waajibaadkooda shaqo.
William Ruto ayaa xoghayeyaasha kula dardaarmay inay dadweynaha ugu adeegaan si hufan oo caddaalad ah.
Waxaa uu u sheegay in xafiisyada ay la wareegayaan ay yihiin kuwo dowladeed oo aan loogu daneyn cid gaar ah sidaas awgeedna laga doonayo inay ka madax bannaanaadaan eexasho iyo qof jecleysi.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xoghayeyaasha cusub ku wargeliyay inuu ka rajeynaya inay ka shaqeeyaan sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii isbeheysiga talada haya ee Kenya Kwanza uu u sameeyay kenyaanka xilligii ololaha doorasho.
Tani ayaa timid ka dib markii saaka xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi lagu dhaariyay xoghayeyaasha oo uu shalay baarlamaanka ansixiyay.
Waxaa ay ku dhaarteen in iyagoo dastuurka wadanka u hoggaansamaya ay si daacad ah u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo.
Waxaa munaasabadda dhaarinta xoghayeyaasha guddoominayay madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada ahna madaxa adeegga dadweynaha Felix Koskei .
In kastoo siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee Azimio ay su’aal geliyeen qaabka loo dedejiyay turxaan bixinta iyo meel marinta magacyada xoghayeyaasha haddana waxaa tani difaacay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wa oo sheegay in dowladdu ay u baahan tahay in mas’uuliyiintan ay dadweynaha u adeegaan.
Waxaa uu sheegay in guddi waliba oo baarlamaanka ka tirsan uu waqti geliyay in la xaqiijiyo in qofka la soo magacaabay uu u qalmo u adeegidda qaranka.
Turxaan bixinta xoghayeyaasha ayaa waxaa dib u dhac ku keenay dacwad uu maxkamadda geeyay ururka qareennada dalka ee LSK balse ugu dambeyn meesha laga saaraya.
Talaadadii ayay ahayd markii garsoore Nduma Nderi uu kiiskan dhinac iska dhigay taaso horseedday in turxaan bixinta ay sii socoto ugu dambeynna saraakiishan la ansixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments