Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in dacwad uu u gudbiyay sarkaal booliis oo lagu magacaabo Axmad Rashiid ay tahay mid degdeg ah.
Waxaa uu doonaya in dib u eegis lagu sameeyo dacwad loo haysto oo ah inuu sanadkii 2017-kii xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi uu ku toogtay labo qof oo dhallinyaro ahaa.
Axmad Rashiid ayaa doonaya in aan dacwadda lagu soo oogin ilaa inta laga dhageysanaya oo go’aan laga soo saaraya codsigiisa.
Maxkamadda sare ayaa amartay in arrintan lala wadaago waaxda dacwad oogidda dalka iyo taliyaha guud ee ciidamada booliiska .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA uu helay amar maxkamadeed oo sarkaalka looga doonaya inuu isa soo xaadiriyo 8-da bishan Diseembar si uu dacwadda ka dhanka ah uga jawaabo.
Hasa ahaate isagoo ay matalayaan qareenadiisa kala ah Danstan Omari iyo Cliff Ombeta ayuu maxkamadda geeyay codsi uu ku doonaya in aan dacwadda la guda gelin.
Waxaa uu ku doodaya in labada dhallinyaro ee lagu eedeyay inuu dilay ay dhac ka gaysteen xaafadda sidaas awgeedna eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo dani gaar ah laga leeyahay.
Codsi uu maxkamadda geeyay ee hadda loo aqoonsaday mid degdeg ah ayaa waxaa dhanka kale dhaliishay hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya.
Agaasimaha hay’addan ee dalka Irungu Houghton ayaa sheegay in qareennada matalaya Axmad Rashiid looga baahnaa inay sugaan oo aynan ku degdegin codsiga ay gudbiyeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in si la mid ah sarkaalka eedeysan, qoyska labadii wiil ee la dilay ay xaq u leeyihiin inay caddaalad helaan.