Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maamulka tamarta ee dalka oo difaacay go’aankii lagu kordhiyay qiimaha shidaalka

Maamulka tamarta ee dalka oo difaacay go’aankii lagu kordhiyay qiimaha shidaalka

Maamulka maareeya tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo loo jeediyay oo ah in uunan tixgelin culeyska dhaqaale ee uu keenay cudurka COVID-19.
Tani ayaa timid ka dib markii dib u eegis uu sameeyay uu ku kordhiyay qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka .
Waxaa uu go’aankan ku saleeyay inuu sare u kacay qiimaha lagu soo dejiyo shidaalka laga keeno wadanka dibadiisa.
Maamulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabada uu qaaday ee shalay dhaqan gashay ay tahay mid waafaqsan xeerarka wadanka u degsan.
Qaar ka mid ah shacabka iyo madaxda siyaasadeed ayaa walaac ka muujiyay qiimaha la kordhiyay ee shidaalka .
Madaxda dhaliilay arrinkan waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna iyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments