Sanduuqa horumarinta ganacsiyada yaryar ee loo yaqaano Hustler Fund ee uu toddobaadkan gudihiisa daahfuray madaxweynaha dalka ayaa ilaa iyo hadda bixiyay 700 oo milyan oo amaah lacageed ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa kenyaanka ku bogaadiyay sida ay ugu riyaaqeen barnaamijkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu hubo awoodda uu qorshahan u leeyahay isbeddel dhaqaale.
Ilaa iyo hadda waxaa sanduuqa Hustler Fund iska diiwaangeliyay in ka badan 3.5 milyan oo qof.
Hustler Fund ayaa ka mid ahayd ballanqaadyadii uu William Ruto sameeyay xilligii ololaha doorasho.
Waa nidaam dijitaal ah oo uu qofka ku helaya lacag amaah ah oo sanadkiiba leh dulsaar dhan boqolkiiba 8.
Qofka ayaa isagoo isticmaalaya taleefoonkiisa gacanta deynsan karo ugu yaraan 500 ilaa 50,000 oo shilin.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda dhexe loo soo jeediyay inay soo saarto nidaam aan dulsaar lahayn oo ay dadka muslimiinta ah uga faa’iidaysan karaan sanduuqan horumarineed.