Nairobi:Nin haweeney ka soo tuuray dabaqa 12-add oo 5 sano xabsi ah lagu xukumay

0
327

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa xabsi shan sano ah ku ridday nin lagu helay inuu dabaqa 12-aad ka soo tuuray gabadh ay haasaawe wadaag ahaayeen xilli ay ku wada sugnaayeen bartamaha caasimadda wadanka.
Ninkan oo lagu magacaabo Moses Njoroge ayaa lagu helay dambiga ah inuu dhibaateeyay haweeney lagu macaabo Eunice Wangari taas oo ay aaladda intarneetka iska barteen.
Waxaa xukunkan soo saartay garsoore Esther Kimil.
Haweeneyda dabaqa laga soo tuuray ayaa waxaa dhinaca miskaha ka soo gaaray dhaawacyo halis ah.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay 13-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 2020-kii.
Wangari ayaa in ka badan 2 bilood ku jirtay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay daryeel caafimaad muddadaasi ku helaysay.