Guddoomiyaha baarlamaanka oo baaq ka soo saaray dagaalka Ruushka iyo Ukraine

0
178

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta , Moses Wetangula ayaa ku baaqay in dowladaha dagaallamaya ee Ruushka iyo Ukraine ay fursad siiyaan dibloomaasiyad lagu xallinaya tabashooyinka ka dhexeya.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu marti qaaday safiirka Ukraine ee Kenya Andrii Pravendynyk oo ay ku kulmeen xarunta baarlamaanka ee dalka .
Wetangula ayaa sheegay in Kenya ay rajeynayso in la soo afjaro colaadda Ruushka iyo Ukraine.
Waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanka hoosta ka xarriiqay in khilaaf kasta oo jiro la doonayo in lagu xalliyo qaab dibloomaasiyadeed oo nabad ah.
Wetangula iyo safiirka Ukraine ku matalo Kenya ayaa isla gartay sida degdegga ah ee loogu baahan yahay ka hor tagga in dagaalka uu sii socdo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in Kenya iyo Ukraine ay in muddo ah iska kaashanayeen dhinacyo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo dalxiiska.
Ambasadoor Andrii Pravendynyk ayaa dhankiisa Wetangula ugu hambalyeeyay hoggaanka baarlamaanka ee loo doortay isagoo xusay in Kenya ay horumar wayn ka gaartay dhanka dimuqraadiyadda iyo qaan-gaarka siyaasadeed.
Safiirka ayaa soo hadal qaaday in Ukraine ay Kenya ka caawin doonto dhinaca deeqaha waxbarasho si sare loogu qaado aqoonta ardayda ee dhanka farsamada iyo culuunta sayniska.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay inuu xoojiyo xiriirka ka dhexeya labada gole ee xeer dejinta ee Kenya iyo Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here