Madaxweynaha dalka oo la kulmay xoghayaha guud ee COTU

0
218

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli .
Waxay ka wada hadleen sida Kenya ay u ansixin karto qaraarka hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO ee ka dhanka ah rabshadaha iyo dhibaateynta.
Nidaamkan oo la qaatay bishii lixaad ee sanadkii 2019-kii ayaa ah midkii ugu horreeyay ee heer caalami oo qeexaya in qof waliba uu xaq u leeyahay inuu ka shaqeeyo duni aan lagu dhibaateyn.
Qaraarkan ayaa dhaqan galay 25-kii bishii Lixaad ee sanadkii hore.
Ruto ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah madaxda gobolka galbeedka wadanka oo uu Atwoli ka soo jeedo.
Sawirro ay faafisay madaxtooyada dalka ayaa muujinaya in kulanka maanta ay sidoo kale ka qayb galeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua , guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula, senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale, wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa ,senatarkii hore ee Kakamega Cleophas Malala , xildhibaankii hore ee deegaanka bariga Mumias Benjamin Washiali iyo madax kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here