DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in booliiska loo soo iibin doono hub dheeraad ah

0
194

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hub iyo qalab dheeraad ah u soo iibin doonto ciidamada booliiska.
Waxaa uu sheegay in tani mudnaanta koowaad lagu siin doono barnaamijka qalabeynta casriga ah.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay inuu jiro qorsho lagu wareejinaya saraakiisha in muddo ah ka howlgelayay meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka jiraan si loo geeyo xarumo aynan kala kulmayn isku buux maskaxeed.
Wasiirka waxaa uu intaasi ku daray inuu jiro qorsho lagu shaqaaleysiinaya 630 oo ah booliiska keydka oo dheeraad ah.

Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu booqday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da , kuwa qaabilsan falcelinta degdegga ee (RDU), saraakiisha ilaaliya kaabayaasha muhiimka ee (CIPU) iyo ciidamada la dagaallamo dhaca xoolaha ee (ASTU) oo dhammaan ku sugan Kakuma oo ka tirsan ismaamulka Turkana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here